Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Faransiiska oo Qaaday Talaabo ka Dhan ah Ruushka

Madaxweynaha Faransiiska oo Qaaday Talaabo ka Dhan ah Ruushka

0

Ciidamada Ruushka ee ka dagaalamaya qeybo kamid ah dalka Ukraine ayaa lagu eedeeyay in dad shacab ah ku xasuuqeen dalkaasi, waxaana la helay meydad badan oo daadsan waddooyin kuyaala goobo ay ka baxeen ciidamada Ruushka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqa la sheegay in ciidamada Ruushka ka geesteen dalka Ukraine, waxa uuna tilmaamay in ay jiraan calaamado muujinaya tacadiyo ay geesteen ciidamada Ruushka.

Emmanuel Macron, ayaa ku baaqay in cunaqabateyn dheeraad ah lagu soo rogo dowladda Ruushka , waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay meydadka dadka rayidka ah ee lagu arkay waddooyinka magaalada Bucha.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka si ula kac ah dad rayid ah ugu laayeen waddooyinka magaalada Bucha, waxa ayna dowladda sheegtay in waddooyinka magaalada lagu arkay meydad badan oo daadsan.

Ruushka ayaa iska fogeeyay eeda la xariirta in dad shacab ah ku laayeen magaalada Bucha, waxa ayna eedeynta uga timid Ukraine iyo waddamada reer Galbeedka ku tilmaameen been cad oo la buun buuniyay.

Ad
Previous articleXildhibaano Kale oo Maantay Qaatay Shahaadada(sawiro)
Next articleMid kamid ah Gudoomiyaashii Gobalka Banaadir oo Maxkamad looga Yeeray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here