Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Sidee laga Yeeli Doona Kursigii ay ka Geeriyootay Xildhibaanad Aamino Xili Galabtay...

Sidee laga Yeeli Doona Kursigii ay ka Geeriyootay Xildhibaanad Aamino Xili Galabtay Doorashada Baladweyne lasoo Gabgabaynaayo(Akhriso)

0

Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee halkaasi ka socotay labadii bilood ee la soo dhaafay.

Illaa 25 kursi ayaa taalay Beledweyne, waxana horey loo doortay 23 xildhibaan, iyadoo maantana la dooran doono xildhibaan kale.

Ilo wareedyo ay BBC-da laga Soo Xigtay  ayaa sheegaya in kursiga tirsigiisu yahay 135 oo ay ku tartami lahayd Aaamino Maxamed, xildhibaaanaddii lagu dilay Baledweyne bishii hore loo wareejin doono magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabelle.

Odayaasha iyo jufada kursigaasi iska leh ayaa la sheegay inay maamulka ka codsadeen in mudada ay tacsida socota kursiga dib loo dhigo.

Dhinaca kale Muqdisho waxa maalintii sedexaad ka socota shahaado siinta iyo diiwangalinta xildhibaannada cusub ee kamid noqonaya Barlamaanka Soomaaliya

Ad
Previous articleMid kamid ah Gudoomiyaashii Gobalka Banaadir oo Maxkamad looga Yeeray
Next articleBeesha Habargidir oo War murtiyeed Soo Saartay Beelaha Hawiyana Shir Deg deg ah isugu Yeertay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here