Home Wararka Maanta Meydad farabadan laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla Koonfur Afrika

Meydad farabadan laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla Koonfur Afrika

0

Ugu yaraan 17 qof ayaa meydkooda laga helay goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada East London ee dalka Koonfur Afrika, sida ay ku baahisay warbaahinta gudaha.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa meydadka laga helay xarunta Enyobeni Tavern halka dhowr qof oo kalena lagu arkay goobta iyagoo dhaawac ah.

Afhayeen u hadlay booliska oo wareysi siinayay kanaalka Newzroom Africa television ayaa sheegay in u socdo baaritaanka lagu ogaanayo waxa sababa dhacdadan.

Waxaana goobta gaaray kooxaha gurmada degdega ah oo u tiro badan.

Taliyaha booliska gobolka Eastern Cape oo u warramayay warbaahinta SABC ayaa sheegay in uu jiro tuhun ah in isbuurasho ay ka dhacday gudaha maqaaxida lagu caweeyo.

Ad
Previous articleTirada Golaha Wasiirada soomaaliya oo la Kordhinaayo(Xog)
Next articleKhaadka Kenya oo Toos looga Dajin Doono Garoonka Hargaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here