Home Wararka Maanta MD Xasan Shiikh oo Kulan Laqaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Arimo Muhiim ahna...

MD Xasan Shiikh oo Kulan Laqaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Arimo Muhiim ahna Kala Hadlay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya mudane William Ruto.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Kenya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dalkiisu ay si buuxda u taageerayaan ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoona tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Kenyain Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

Ad
Previous articleSarkaal Kale oo Ka Tirsanaa Dowlada oo Alshabaab la Shaqaynaayay oonMarkale Maantay Xukun lagu Riday
Next articleAlshabaab oo Sheegay inay Dileen 29 Askari oo ka Mid ah Askartii lagu Soo Tababaray Dalka Ereteeriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here