Home Wararka Maanta Maydka Maxamed Siciid oo ugu Danbayn lagu guulaystay in lasoo saaro

Maydka Maxamed Siciid oo ugu Danbayn lagu guulaystay in lasoo saaro

0

Waxaa guuldareestay dedaalo saacado badan qaatay oo lagu doonayay in lagu badbaadiyo nolosha wiil Soomaaliyeed, uu ku dumay god dahabka laga qodo oo kuyaalla deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag.

Dadka deegaanka oo adeegsanayay qalab waxii ay heli karayeen ayaa tan iyo habeenkii khamiistii waday dadaalo lagu baadi goobayay Maxamed Siciid, oo gudka ku dumay saqdii dhaxe habeenkii khamiista.

Waxaa goordhaw lagu guuleestay in godka laga soo saaro meydka Maxamed Siciid oo godkaasi go’doon ku ahaa saacado badan, waxaana jirka wiilkaasi ka muuqday dhaawacyo kala duwan sida dadka goobta ku sugnaa sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maamulka Puntland uusan wax gacan ah ka geesan baadigoobka iyo badbaadinta wiillka godka ku dumay, waxa ayna sheegeen in kaliya hoosha badbaadinta loo dhaafay dadka deegaanka.

Deegaanka Milxo oo dhaca buuraha gobolka Sanaag ayaa waxaa kuyaalla dhul laga qodo dahabka, waxaana mararka qaar dadka doonaya in ay dahab helaan halkaasi kasoo gaara khasaaro kala duwan.

Ad
Previous articleJeneraal Odawaa oo Farriin Dardaaran ah u jeediyay Saraakiisha iyo ciidamada Dowladda Xili Dagaal Adag Socdo
Next articleUhuru Kenyatta oo Sabab u noqday in UU dib u dhaco Wadahadalada Dowladda Itoobiya iyo TPLF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here