Home Wararka Caalamka Maxkamadda sare ee Hindiya oo Amar dul-dhigtay haweeneydii Nabiga (NNKH) aflagaadeysay

Maxkamadda sare ee Hindiya oo Amar dul-dhigtay haweeneydii Nabiga (NNKH) aflagaadeysay

0

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa amar ku bixisay in afhayeenki hore ee Xisbiga BJP Nupur Sharma ay telefishinka qaranka ee dalkaas iyadoo ka soo muuqaneysa ay raalligelin rasmi ah ka bixiso aflagaaddadi ay Nabiga (NNKH) u geysatay.

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya oo maanta dhageysatay dacwadda aflagaaddadii ay Nabi Muxammed (NNKH) u geysatay haweeneydaas ayaa bixisay amar aysan Sharma ku farxin.

Dhegeysiga dacwadda oo uu horkacayay garsooraha maxkamadda sare Surya Kant, waxaa goobjoog ka ahaa xubno Xisbiga BJP ka tirsan.

Maxkamaddu waxay sheegtay, “Carrabka Sharma inuu silbaday. Ereyadii foosha xumaa oo ka soo yeerayna ay gilgileen dalka Hindiya oo dhan. Ugu dambeyntiina, waxaa ka dhashay falal ay ka mid yihiin dilkii ka dhacay magaalada Udaipur.”

Qareenka u doodaya Napur Sharma wuxuu maxkamadda horteeda ka sheegay “inay markiiba raalligelin ka bixisay, ayna codsatay qaladka ka dhacay in laga cafiyo.”

Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay, “Waqti dheer inay ku qaadatay raalligelin inay bixiso. Iyadoo raalligelinteeda ay shuruud la socotay. Hadalladeeduna ay ahaayeen kuwo uu kibir ka muuqday. Marka waa inay telefishinka qaranka hortagtaa oo ay raalligelin rasmi ah bixisaa. Mana aha inay arrinta dhayalsato, maaddaama ay afhayeen u tahay xisbi dhan.”

“Baaritaanka iyo dacwadda ku saabsan aflagaaddada loo geystay Nabi Muxammed (NNKH) ee haatan socda, waan sii wadi doonnaa,” ayay tiri maxkamaddu.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Hindiya waxay toddobaadyadii u dambeeysay wajaheysay cadaadis diblumaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaas haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ay ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH).

Nupur Sharma ayaa 21 maalin ka hor ku kacday gefkaasi, kaddib markii ay ka qaybgashay dood TV, arrintaasi oo ka careysiisay Muslimiinta Hindiya, iyo in ka badan 12 dowlad oo Muslim ah.

Labo iyo tobankii Juun, xisbiga BJP ayaa shaqada ka joojiyay Sharma. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaaddada ah.

Xisbiga BJP ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo horjeedo fikir kasta oo aflagaadeynaya ama hoos u dhigaya koox ama diin, waxa uuna intaasi ku daray in aysan “taageerin dadkaas ama falsafadda ay aamminsan yihiin”.

Diblumaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan waddamada Islaamka ee aad uga carooday gefka Nebiga (NNKH), waxay sheegeen in faallooyinka aysan ka tarjumayn mowqifka dowladda oo ay yihiin “aragtida xagjirka”

Dalal badan oo Muslin ah oo ay ku jiraan Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan, halka ay waddama badanna ay Delhi ka dalbadeen raalligelin dadweyne.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSiyaasigan ayaa sheegay haddii madaxweyne loo doorto in uu Soomaalida ku abaal-marinayo inay qaataan caasimadda
Next articleXaalad xun oo Muqdisho ka jirta iyo dadka geeriyooday oo Lagu aaso Meela Halis ah (Sawiro)