Home Wararka Maanta Maxkamada Ciidamada oo Manata Xukun dil ah riday

Maxkamada Ciidamada oo Manata Xukun dil ah riday

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ay xukun ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska kaas oo degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir ku dilay qof Shacab ahaa.

Askariga oo lagu Magacaabo Dable Booliis Maxamed Cabdi Jaamac Joof  ayaa agagaarka Isgoyska Ceel-Gaabta qeybta degmada Xamar Jajab waxaa uu  22-kii June ee  Sanadkan xilli habeen ah ku dilay Marxuum Yaxye Cabdi Casiis Maxamed oo aha Shacab.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in dable Boolis Maxamed Cabdi Jaamac sababta uuu dilay qofka Shacabka ah inay aheyd dhac uu u geysanayay, isaga oo Saddex xabadood madaxa kaga dhuftay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Boolis Maxamed Cabdi Jaamac Joof lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta dilay Marxuum Yaxye Cabdi Casiis Maxamed.

Goobta xukunka lagula ridayay askariga ka tirsana Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ku sugna ehellada askariga & Ehellada Marxuumka la dilay iyo saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Magalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa horay uga dhacay dilalka askar ka tirsan Ciidamada dowladda ay u geysteen qof Shacab ah, kuwaas oo baxsaday, halka qaarkood la qabtay lana xukumay.

Ad
Previous articleGoor dhow oo la doortay kuraasta Labo Xubnood oo Gobolada Waqooyiga ah
Next articleDoorashada Goballada Waqooyi oo Maanta la soo gaba gabeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here