Home Wararka Somaliya Goor dhow oo la doortay kuraasta Labo Xubnood oo Gobolada Waqooyiga ah

Goor dhow oo la doortay kuraasta Labo Xubnood oo Gobolada Waqooyiga ah

0

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah ka socota Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo shalay bilaabatay.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in la dhameystiro 11 kursi oo lix kamid ah shalay la doortay, waxaana Shanta kursi ee hartay laba kamid ah goordhow la doortay.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ayaa waxaa ku tartami lahaa Siciid Cabdi Xasan iyo Jaamac Cabdilaahi Maxamed, balsle Jaamac Cabdullaahi ayaa tanaasulay, waxaana cod gacan taag ah ugu codeeyeen 42 Ergo oo goobta fadhisay  Saciid Cabdi Xasan, majirin qof diiday ama ka aamusay.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Muno Cumar Xasan iyo Naciima Xasan Xaaji Maxamuud, waxaana kursiga kusoo baxay Naciima Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay codad gaaraya 30 Cod halka Muno Cumar Xasan oo kursigaan horay ugu fadhisay ay heshay 13  Cod.

Ad
Previous articlePuntland oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Maamulkaasi
Next articleMaxkamada Ciidamada oo Manata Xukun dil ah riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here