Home Wararka Somaliya Somaliland Doorashada Goballada Waqooyi oo Maanta la soo gaba gabeeyay

Doorashada Goballada Waqooyi oo Maanta la soo gaba gabeeyay

0

Teendhada Afisiyooni ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Shan kursi oo ka harsaneyd 11 kursi oo Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku leeyihiin Aqalka Sare.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ayaa waxaa ku tartami lahaa Siciid Cabdi Xasan iyo Jaamac Cabdilaahi Maxamed, balse Jaamac Cabdullaahi ayaa tanaasulay, waxaana cod gacan taag ah ugu codeeyeen 42 Ergo oo goobta fadhisay  Saciid Cabdi Xasan, majirin qof diiday ama ka aamusay.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Muno Cumar Xasan iyo Naciima Xasan Xaaji Maxamuud, waxaana kursiga kusoo baxay Naciima Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay codad gaaraya 30 Cod halka Muno Cumar Xasan oo kursigaan horay ugu fadhisay ay heshay 13  Cod.

Kursiga Saddexaad doorashadii Maanta ayaa waxaa ku tartami lahaa Axmed Maxamed Siciid oo kursigan horay ugu fadhiyay, balse tanaasulay & Xasan Cabdi Gaas oo goobta doorashada aan tegin, waxaana kursiga kusoo baxay Sanoter Cabdirisaaq Axmed Cali.

Kursiga Afaraad ayaa waxaa ku tartami lahaa Baashe Maxamed Ismaaciil  & Abwaan Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane) , balse Baashe Maxamed Ismaaciil  uu tanaasulay, waxana kursigan ku guuleystay Abwaan Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane).

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee Maanta ayaa waxaa ku tartami lahaa Deeqa Xasan Xuseen & Hodan Abokor Xasan, balse waxaa kursiga ku guuleystay Deeqa Xasan Xuseen kadib markii ay tanaasushay.

Maanta waxaa guud ahaan lasoo geba-gabeeyay doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, waxaana maalmaha soo soca bilaaban doona doorashada Xubnaha Aqalka Sare uga harsan dowlad Goboleedyada.

Ad
Previous articleMaxkamada Ciidamada oo Manata Xukun dil ah riday
Next articleAkhriso Magacyada Shanta sanater ee Maanta Muqdisho lagu doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here