Home Wararka Maanta Maxay Dowladda Soomaaliya ka aamisantahay Go’aanka ICJ, iyo Kista loo reebay Kenya

Maxay Dowladda Soomaaliya ka aamisantahay Go’aanka ICJ, iyo Kista loo reebay Kenya

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo Khudbad ka jeedinayay kulan ku qabsoomay Muuqaalka Fogaan-aragga oo xubnaha Guddiga Soomaaliya ku metalay Dacwadda Badda ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faah-faahin ka bixiyay qaybta la siiyay Kenya.

Guuleed waxa uu tilmaamay in si qoto dheer loo baaray heerarka kala duwan ee Dacwadda Badda oo ugu dambeyn Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ICJ u go’aamisay Soomaaliya inkasta oo qayb yar loo xukumay Kenya.

Mahdi ayaa xusay in dadka sharciga yaqaano ay fahmi karaan sababta Kenya loo siiyay qaybta yar isaga oo ku sifeeyay in si maxkamadda go’aankeeda ugu cuntamo labada Dowladood sidaas loo xukumay sida uu hadalka u dhigay.

Waxyar oo miiq ah ayaa Kenya la siiyay oo weliba marin ah, sababta loo siiyay ayaa ah in uu u cuntamo go’aanka Maxkamadda, marweliba xaq ayaan ku taagneen balse Maxkamadda ayaa dan mooday qaybta yar ee Kenya madaxa loo geliyay” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka.

Xeer ilaaliyaha qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa dhankiisa ka falceliyay diidmada is daba-jooga ah ee kasoo yeertay Kenya tan & markii uu soo baxay xukunka Badda ee Dacwadda 7-sano hortaalay Maxkamadda ICJ.

Muhiimadda ayuu ku sheegay in ay tahay lahaanshiyaha la siiyay Soomaaliya, haddii ay isku daydana in ay arbushaad ku sameysa lala aadayo Hay’adaha kale ee awoodda u leh wax ka qabashada maadaama maxkamadda keliya ay go’aan shaqo ku leedahay.

Kenya hadallada is daba-jooga ee ah ma fulineyso & howlaha nuucaas ah waxaa inooga muhiimsan in xukunka dhankeenu soo maray isla markaana aqbasho go’aanka, xukunkaan waa mid aan rafcaan lahayn, Milkiyadda Badda Sharci ahaan waxa ay kusoo wareegtay Soomaaliya” waa sida uu yiri Xeer ilaaliyaha guud Qaranka.

Ad
Previous articleMaxay ka wada hadleen Wasiirada Ganacsiga Somaliya iyo Serbia
Next articleCiidanka Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo ku sii dhawaanaya Magaalada Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here