Home Wararka Maanta Maxay ka wada hadleen Wasiirada Ganacsiga Somaliya iyo Serbia

Maxay ka wada hadleen Wasiirada Ganacsiga Somaliya iyo Serbia

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khalif Cabdi Cumar, oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay caasimadda Belgrade ee dalka Serbia, ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta ee dalkaasi Ms. Tatjana Matic oo ay ka wada-hadleen iskaashiga laba dal. gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga.

Labada Wasiir, waxay is-waydaarsadeen fursadaha Maal-gashi ee ka jira labada dhinac iyo siddii wax-soo-saarka Soomaaliya looggu dhoofin lahaa dalka Serbia

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dalka Serbia kaga qeyb-galay shirkii xuska sanad guurada 60aad dhaq-dhaqaaqa dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada kale ee ka jira caalamka, ayaa shalay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirkaasi oo khusaysay iskaashiga dawladaha, dhaqaalaha, ganacsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Ad
Previous articleRaysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxdii dowladda uga qeyb gashay dhageysigii go’aanka Maxkamada ICJ
Next articleMaxay Dowladda Soomaaliya ka aamisantahay Go’aanka ICJ, iyo Kista loo reebay Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here