Home Wararka Somaliya Ciidanka Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo ku sii dhawaanaya Magaalada Guriceel

Ciidanka Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo ku sii dhawaanaya Magaalada Guriceel

0

Wararka ka imaanaya degmada guriceel ee gobolka gal gaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Dawlada iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah ay aad kaabiga ugu hayaan magaaladaasi.

Arintaan ayaa la sheegay inay suurta gelisey markii ciidamada huwanta ay dhaq dhaqaaqyo xoog leh sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay.

Dad kunsugan guddaha Guriceel ayaa warqaad usheegay in ay arkayaan ciidamada hubeysan ee Ahlusunna oo dhufeysyo ka galay xaafadaha qaar.

War aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gaari booyad ah & askar ka goostay Ahlusuna ay ku biireen ciidamada dawlada Ee doonaya inay guriceel qabsadaan.

Shacabka ayaa barakac sameeyey kuwaas oo ka cabsi qabay in korkooda lagu dagaalamo,iyadoo saraakiisha ciidanka dawlada iyo kuwa galmudug hogaaminaya ay sheegeen inay ka go’an tahay qabsashada guriceel.

Ad
Previous articleMaxay Dowladda Soomaaliya ka aamisantahay Go’aanka ICJ, iyo Kista loo reebay Kenya
Next articleKulan Dhexmaray Sheekh shaakir iyo Taliye Odawaa oo ku soo dhamaaday Heshiis la’aan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here