Home Wararka Maanta Maxamed Nuur Aadan oo Lixsano Kadib Soo Galay Gacanta Dowlada Soomaaliya

Maxamed Nuur Aadan oo Lixsano Kadib Soo Galay Gacanta Dowlada Soomaaliya

0

Maxamed Nuur Aadan oo 6-dii Sano ee la soo dhaafay kamid ahaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka October.

2017 ayuu Alshabaab kaga biiray degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay isagoo intaas kadib noqday Darewal iyo Farsamayaqaan Cilad bixiya gaadiidka ay Argagixisada isticmaalaan.

Intii uu ka tirsanaa kooxda Alshabaab wuxuu ka soo shaqeeyay Gobolada Jubooyinka, Hiiraan, Baay iyo Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay inuu soo gaba-gabeeyo Safarkiisa Alshabaabnimo ayaa ku kaliftay Nolosha adag ee ay Xiligan wajaheyso Khawaarijta iyo Cadaadiska ay Cir iyo dhul ka saareen geesiyaasha Qarankeenna.

Ad
Previous articleBooliska Soomaaliya oo Lacag ku Raadinaaya Soo Qabashada Ninkii luul Cabdicasiis Gubay
Next articleMadaale Macalin Mahdi iyo Warbac oo Boqday Hoyga Luul Cabdicasis oo Nolosha lagu Gubay dhawaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here