Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oo Lacag ku Raadinaaya Soo Qabashada Ninkii luul Cabdicasiis Gubay

Booliska Soomaaliya oo Lacag ku Raadinaaya Soo Qabashada Ninkii luul Cabdicasiis Gubay

0

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay war kasoo saaray dhacdadii argagaxa lahayd ee 26-kii bishii hore ka dhacday degmada Dharkenley, taas oo uu seygeedii ku gubay marxuumad Luul Sheekh Cabdicasiis oo shalay ku geeriyootay isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa sheegaya inay eedeysanaha oo baxsaday, laguna magacaabo Sayd Cali Macallin Daa’uud ay ka raadinayaan Muqdisho iyo gobollada dalka.

“Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday. Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa farriin loo diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo looga codsaday inay soo sheegaan ciddii aragta eedeysanaha/

“Qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada” ayaa mar kale lagu yiri.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Howgalo lagu baadi goobaya ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si’uu cadaalad u maro”.

Booliska ayaa sidoo kale abaal-marin u ballan qaaday qof kastaa oo keenya xogta eedeysanaha ka dhuumanaya cadaaladda ee gubay xaaskiisa oo uur u lahayd.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ciddii aragtaa ay la wadaagto laamaha amniga ee ugu dhow. Qofkii xog ku saabsan nala wadaagta waxaan siin doonaa abaal-marin” ayaa lagu yiri fariinta kasoo baxday taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleSarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab kanasoo jeeda Galmudug si wayna loo Raadinaayay oo Muqdisho lagu Qabtay
Next articleMaxamed Nuur Aadan oo Lixsano Kadib Soo Galay Gacanta Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here