Home Wararka Somaliya Maxaa Laga Badalay Amniga guud ee Garoonka aadan Cadde Amar nuuceesa la...

Maxaa Laga Badalay Amniga guud ee Garoonka aadan Cadde Amar nuuceesa la siiyay Boliiska ?.

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Maareeyaha Maamulka Guud iyo Amniga Garoomada Soomaaliya oo kormeeray goobaha ay ka howlgalaan ee Garoonka ayaa kula Dardaarmay in ay sii laba laabaan Sugidda Amniga Garoonka.

Ciidamada Booliiska ee ka howlgala gudaha iyo banaanka iyo irridda hore ee laga soo galo garoonka ayaa qeyb weyn ka qaata howlaha lagu sugayo amniga gaar ahaan barista gaadiidka rakaabka, dadka howlaha ganacsiga iyo hay’addaha kale ee howl-maalmeedkooda caadiga ah u taga Garoonka Aadan Cadde.

Booliska oo kaashanaya hubin feejigan oo taxadir leh ayaa u guta howshooda si waafaqsan shuruucda suggidda amniga iyo illaalinta ee kumanaan ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed oo maalin kasta ka dhoofa garoonka ama ka soo degaya.

Booliiska ayaa waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay illaalinta shacabka amniga gudaha waxaadna ka dareemi kartaa ama aad ku arkeysaa in ay yihiin kuwa si ilbaxnimo, waayo aragnimo iyo xilkas ula macaamilaya muwaadiniinta Soomaaliyeed mansabkasta oo ay leeyihiin.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Garoonka Aadan Cadde Cabdifataax Bashiir Cali oo uu wehliyo Maareeyaha Maamulka Guud iyo Amniga Garoomada Soomaaliya Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay ku dadaalaan cabsida Alle, iyo xaqdhowrka muwaadiniinta ay shaqooyinka u hayaan.

Garoonka oo ka kooban qeybo badan oo ay ka mid yihiin dhoofka safarada gudaha, (local departure), imaanshaha safarada gudaha, dhoofka safarada caalamka, (international departure), iyo imaanshaha safarada caalamka (international Arrival), intaba waxaa ka howl gala booliska Soomaaliyeed oo suga amniga dadka islamarkaana qabta cidii la tuhmo.

Ad
Previous articleXildhibaan ka Tirsan Galmudug oo Booqday Deegaano dagaal beeleedyo in Mudda ah ka Taagnaayeen (Sawiro)
Next articleCiidamo Milateriga ah oo Fadhiisin ka sameystay dueedka Dhuusamareeb (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here