Home Wararka Somaliya Maxaa ka jira in Dhuusomareeb loo diiday Diyaaradii soo qaadi laheyd Cabdi...

Maxaa ka jira in Dhuusomareeb loo diiday Diyaaradii soo qaadi laheyd Cabdi Xaashi Cabdulaahi

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Shirkadaha Diyaaradaha dalka ka howlgala lagu amray in magaalada Dhuusomareeb usoo qaadi karin Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Masuuliyiin katirsan Shirkadaha ayaa laga soo xigtay in amaro kala duwan oo kasoo gaaray dowlada Federaalka iyo Galmudug loogu sheegay in aysan Dhuusomareeb usoo qaadi karin Gudoomiyaha Aqalka sare.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uusan raali ka aheyn in Gudoomiyaha Aqalka sare kasoo qeyb galo shirka wadatashiga Dowlada federaalka iyo maamul goboleedsyada dalka ku yeelanayaan Caasimada Galmudug.

Gudoomiyaha aqalka sare oo ah masuulka ugu sareeya ee matala Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa shalay warqad codsi ah u diray Madaxweynaha Galmudug, hasa ahaatee Qoor Qoor ayaan usoo jawaabin kana aamusay dalabka Gudoomiyaha Aqalka sare.

Shirka ka furmaya magaalada Dhuusomareeb ayaa looga arinsanayaa khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madaxweynaha ,Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada.

Ad
Previous articleDeegaanka Kaxan-dhaale oo lagu dilay 3 Qof oo labo Walaalo tahay iyo Dad kale oo..
Next articleSawiro:- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo gaaray Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here