
Subaxdii ay taariikhdu ahayd 21-ka June, warbaahinta dowladda Ruushka ayaa tabiyay in labo muwaadin oo u dhashay Mareykanka, oo kala ah Alexander Dryuke iyo Andy Huynh lagu hayo magaalada Donetsk.
Tani waxa ay ka dhigan tahay in labadaas nin oo ka mid ahaa dagaalyahannada iskood ugu biiray coladada Ukraine ay wajahayaan ciqaab dil toogasho ah, oo ah xukunka ay dowladda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee DRP ugu talogashay calooshood u shaqaystayaasha.
Labada ninba waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan gobolka Alabama.
Alexander Dryuka waa 39 jir, halka Andy Hyun uu yahay 27 jir.