Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dagaal Culus oo Goordhow Ka Qarxay Gobalka Hiiraaan

Dagaal Culus oo Goordhow Ka Qarxay Gobalka Hiiraaan

0

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta markale uu dagaal culus dib uga qarxay deegaanka Ceel Macaan oo u dhow degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi, isla-markaana saaran waddada laamiga ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo ciidamada Macawiisleyda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weeraray deegaankaasi.

Labada dhinac ayaa isweydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo rasaas xoogan laga maqlayo deegaanka Ceel Macaan iyo agagaarkiisa.

Dagaalka ayaa daba socdo howlgal ay shalay deegaankaas kula wareegeen maleeshiyaadka Macawiisleyda, waxaana kadib dagaal rogaal celis ah soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socdo halkaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada huwanta & Shabaab, wuxuuna shalay dagaalkii ugu cuslaa ka dhacay deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo ay ka qaybaleen ciidanka Jabuuti ee ku jira ATMIS.

Ad
Previous articleMasuuliyiin sar sare oo Gaaray Magaalada Buulaburte kadib Jabkii Alshabaab lagu Gaarsiiyay Degaanka Jicib
Next articleLacagihii ay qaadan jireen Lataliyaasha Gobolka Banaadir iyo Xoogaga Waddaniyiinta oo gudoomiye Madaale joojiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here