Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Samatar ay wehliyaan Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/risaaq Maxamed Cumar iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulahi Buraale ayaa gaaray magaalada Buula-burde.
Masuuliyiintan katirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tagay magaalada Buula-burde dhiirogelinta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al Shabaab.
Waxaa la filayaa masuuliyiintan in magaalada Buula-burde kula kulmaan Xildhibaano halkaasi horey u joogay , maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dagaalka kula jira Al Shabaab.
Gobolka Hiiraan deegaano badan oo katirsan ayaa waxaa ka socda howlgalo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kula dagaalanayaan kooxda Al Shabaab oo horey u godoomisay magaalada Buula-burde iyo magaalooyin kale.