Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii ugu dambeeyay ee dabkii xalay ka kacay Tog Wajaale

Wararkii ugu dambeeyay ee dabkii xalay ka kacay Tog Wajaale

0

Dab xalay fiidkii ka kacay Tog Wajaale oo ku taala xuduudda Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya oo ay Ciidamada Dab Damiska ee Somaliland ku guleysteen damintiisa ayaa baabi’iyay mehrado ganacsi oo aad u ballaaran, waxana hadda socota qiimeynta hantida ku basbeeshay suuqa.

Wasiirka Hawlaha guud ee jamhuuriyadda iskeed madax-banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, mudane Mustafe Maxamuud Cali Godane oo gaaray suuqa waxyeelada soo gaartay ayaa halkaa ka bilaabi doona in uu dib u furo dhammaan waddooyinka suqaas lahaa oo gebi ahaanba xirnaa.Howshan oo si rasmi ah berri u bilaaban doonta ayaa waxaa ka shaqeyn doona cagafyada wasaaradda howlaha guud ee Somaliland.

Dhanka kale Bogga rasmiga ah ee dabdamiska Somaliland ayaa goor dhaweyd lagu qoray in laba caruur oo walaalo ah ay ku dhinteen guri jiingad ah oo ku yaala xaafadda Hodan ee magaalada Burco.

Caruurta ayaa ahaa walaalo, sidoo kale caruurtaas ayaa ahaa Curyaamiin, da’adooduna waxay u dhaxaysay 10-11 sanno.

Abaaro 2:25 duhurnimo ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidanka Dabdemiska Magaalada Burco ee Somaliland oo gurmad u fidiyay.

Dhanka kale ciidamada ayaa ku guuleystay inay xakameeyaan dabkii qabsaday gurigaasi. Ka dib, meydka carruurta ayaa laga soo saaray guriga uu dabku baabi’iyay.

Ad
Previous articleMasuuliyiin Sar sare oo Gaaray Degmada Bacaadwayn oo Saakay Alshabaab laga Saaray(Sawiro)
Next articleHey’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka HirShabeelle oo qaaday tallaabo la mahadiyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here