Home Wararka Somaliya Galmudug Masuuliyiin ka Tirsan Galmudug oo Kormeeray Deegaanka Bohol oo Hoostaga Dhuusamareeb (Sawiro)

Masuuliyiin ka Tirsan Galmudug oo Kormeeray Deegaanka Bohol oo Hoostaga Dhuusamareeb (Sawiro)

0

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow” oo ay wehliyaan agaasimaha waaxda dhulbixinta Degmada mudane Abdi Ali Khayre iyo afhayeenka maamulka Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb mudane Bashir Mohamed Salad “Sanka” ayaa kormeer shaqo kutagay deegaanka Bohol oo Dhuusamareb kaxiga Galbeedka.

Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee Maamulka Caasimada Galmudug katirsan ee gaaray deegaanka ayaa ukuurgalay xaalada dadka deegaanku kusuganyihiin,waxaana uu kulamo laqaatay bulshada qaybaheeda sida odayaasha,dhalinyarada iyo maamulka deegaanka,waxana dhamaan uu dhinacyadaa kala hadlay xalinta khilaaf kadhexjiray maamulka deegaanka bohol,caqabadaha hay’adaha samafalku kala kulmaan dadka deegaanka taa oo sababtay inuu joogsado gargaarkii loogu talo galay dadka danyartaa ee halkaasi dagan.

Gudoomiye Geedaqorow ayaana kuguulaystay xalinta caqabadihii uu deegaanka utagay waxayna bulshada deegaanka kusoo balameen inay kawada shaqeeyaan hormarka deegaanka lagana gudbo in bulshadu kala qaybsanto.

Gudoomiyaha ayaa intaa kadib waxa uu kormeer kutagay Schoolka deegaanka oo ay wasaarada Waxbarashada Galmudug dhismihiisa gacanta kuhaydo kaa oo gaba gabo maraya,ceelka biyaha laga cabo iyo ceelkii horay deegaanku ucabi jireen kaa oo ah ceel mudo fog lacabayay taariikh facwayna leh.

Ad
Previous articleCiidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo dib ula wareegay Deegaanka Bacadweyne ee Gobalka Mudug {Sawiro}
Next articleMidowga Musharaxiinta oo Fariin udiray Dowladda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here