Home Wararka Caalamka Masaajid Kuyaala Maraykanka oo laweerarar Hanti Badana Laga Qaatay

Masaajid Kuyaala Maraykanka oo laweerarar Hanti Badana Laga Qaatay

0

Koox burcad ah oon heebtooda la aqoonsan ayaa dhac hantiyadeed iyo bur burin u geestay masjidka lagu magacaabo Towfiiq, ee kuyaalla Koonfurta magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ciidamada booliiska magaalada Minneapolis ayaa baaraya dhaca burcada ka geesteen masaajidka, waxaana muuqaalo ay duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV laga arkay burcada oo bur bur xoogan u geestay qeybo kamid ah masjidka.

Maamulka Masjidka ayaa sheegay in kooxda burcada ah qaateen lacag gaareysa 50-kun oo dollar oo loo aruuriyay maalmihii lasoo dhaafay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool gobolka Oromada ee Itoobiya.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa si kulul u cambaareeyay dhaca iyo dhibaatada kale ee masjidka Towfiiq loo geestay, waxa uuna cadeeyay maamulkiisa iyo bulshada gobolka taageersan yihiin muslimiinta gobolka kunool.

”Toddobaadkan, waxaa si xun loo burburiyay masjidka Tawfiiq ee Minneapolis, waxaana laga xaday kumanaan doolar oo masjidka loogu deeqay, shacabka waxay garab taagan yihiin isla markaana ka go’an inay taageeraan walaalaheen Muslimiinta ah, ma aqbaleyno naceyb’ ayuu yiri Tim Walz.

Gobolka Minnesota waxaa ku badan weerarada iyo dhaca loo geesto muslimiinta kunool dalka Mareykanka, waxaana arrintan walaac xooggan ka muujiyay bulshada muslimiinta ah ee kunool gobolkaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDagaalka Ukraine: Ruushka ma wuxuu miciin-biday hubka Kuuriyada Waqooyi?
Next articleGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Kulan Deg Deg ah Ka yeelanaaya Arimaha Somaaliya