Home Wararka Caalamka Marykanka Oo Baaq U Diray Dowlada Kenya Kadib Doorashadii Muranka Dhalisay

Marykanka Oo Baaq U Diray Dowlada Kenya Kadib Doorashadii Muranka Dhalisay

0

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dadka Kenya inay deganaansho iyo dulqaad muujiyaan kadib markii lagu dhowaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxweyne, balse uu natiijada ku gacan sayray musharaxii laga adkaaday Raila Odinga.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan in si nabad ah loo xaliyo walaaco kasta oo harsan oo ku saabsan doorashada ayada oo loo marayo marinada lagu xailiyo muranada ee jira,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price

“Waxaan weydiisaneynaa dhammaan hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan inay taageerayaashooda ugu baaqaan inay nabadda ilaaliyaan ayna ka fogaadaan rabshadaha inta uu socdo hanaanka doorashada,” ayuu yiri.

Odinga ayaa markii shanaad ku guuldarreystay isku day uu ku noqon lahaa madaxweynaha Kenya ayada oo uu ka adkaaday madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto.

Labada musharax ayaa waxaa u dhaxeeyey codad dhan 230,000 ama wax ka yar 2% tirade guud ee codadka la dhiibtay.

Odinga ayaa sheegay in ku dhowaaqista guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ee ah inuu William Ruto ku guuleystay doorashada ay tahay “waxba kama jiraan.”

 

 

 

Ad
Previous articleRuto oo Balanqaad U Sameeyey Soomaalida Ku dhaqan Kenya Codkana siisay
Next articleSafiirka Kenya u fadhin doona Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsdiga laga guddoomnay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here