Home Wararka Somaliya Puntland Markabkii ugu horeeyey ee Caalami oo ganacsi oo ku xirtay dekeda Garacad...

Markabkii ugu horeeyey ee Caalami oo ganacsi oo ku xirtay dekeda Garacad Beri Xariga laga jari Doono (Sawirro)

0

Markab xamuul ah oo sida badeecad ganacsi ayaa markii u horraysay maanta ku xirtay dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Inkastoo dekedda ay horey ugu soo xirteen maraakiib qalab dhisme u siday isla dekeda haddana markabkan waa kii u horreeyay ee badeecad ganacsika dejinaaya dekedan.

Markabkan oo lagu magacaabo AK Hamburg ayaa si nabdoon ugu xirtay dekedda si uu u dejiyo badeecadaha ganacsi ee uu sido oo ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah.

Dhismaha Wejiga koowaad ee dekedda Garacad oo la dhameystiray ayaa lagu wadaa in Sabtida berri ah la daah-furo waxaana ka qayb-galaya wufuud kala duwan.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo wufuud kale oo ka socita dalalka gobolka ayaa lagu casuumay furitaanka dekeda oo lagu dhisay isku tashi dadweyne.

Ad
Previous articleMaxay Kawada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Filippo Grandi iyo Xubno la socday Saakay Muqdisho soo Gaaray (Sawirro)
Next articleDagaal Ka Dhacay Degmada Saaxo iyo Dad ku Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here