Mareykanka oo xaqiijiyey in Muwaadiniin kale looga dilay Dagaalka Kasocda Ukraine

Foto: Gleb Garanich / Reuters/NTB

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Talaadadii xaqiijisay dhimashada muwaadin Mareykan ah oo ku sugnaa Ukraine, kaasoo ay sheegtay inuu dhintay bartamihii bishii May isagoo ka dagaalamayay halkaas.

“Waxaan xaqiijin karnaa dhimashada muwaadin Mareykan ah oo lagu magacaabo Stephen Zabielski oo ku dhintay Ukraine,” afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa yiri.

“Waan la xiriirnay qoyska, waxaana bixinnay dhammaan kaalmada qunsuliyada, iyadoo la tixgelinayo qoyska xilligan adag, ma jiraan wax kale oo dheeraad ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Stephen Zabielski wuxuu dhintay Axaddii, May 15, 2022, isagoo ka dagaallamaya tuulada Dorozhnink ee dalka Ukraine.”