Home Wararka Caalamka Mareykanka oo wacad ku maray inuu weerarayo Iiraan

Mareykanka oo wacad ku maray inuu weerarayo Iiraan

0

Madaweyne Joe Biden, ayaa ballan qaaday in Maraykanku “uu diyaar u yahay inuu isticmaalo dhammaan qeybaha kala duwan ee awooddiisa qaran”, si uu u hor istaagi in dowladda Iiraan hanato hubka Niyukliyeerka.

Biden, ayaa hadalkan ku dhawaaqey maalinta labaad safar shaqo oo uu ku jooggo Israa’iil, xiligaasoo ay wada joogeen ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Yair Lapid.

Israa’iil ayaa u aragta barnaamijka Niyukliyeerka Iiraan inuu yahay mid halis ah, inkastoo ay dowladda Iiraan ay ku adkeysatey inuu yahay mid nabad gelyo ah.

Madaxweyne Biden ayaa maalinta JImcaha ah wada hadal la yeelan doona madaxda Falastiiniyiinta, kahor inta aanu u gudbin dalka Sucuudiga.

Biden waxa uu ku qeexay balan qaadyo istiraatiijiyadeed oo is xigxiga, oo xoojinaya xiriirka Mareykanka uu la leeyahay Israa’iil, oo ah xulafada ugu dhow ee gobolka, document loo yaqaanay Bayaanka Wadajirka ah ee iskaashiga muhiimka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

Waxa uu sidoo kale balan qaaday in Mareykanka uu “si wadajir ah ula shaqeyn doono dalalka kale ee bahwadaagta kamid ah, si loogga hortago gardarada iyo dhaq dhaqaaqyada xasilooni darida ay abuurto Iiraan, oo ay ku jiraan adeegsiga Iiraan ee “Ururada argagaxisada sida Hizbullah, Hamas iyo Islamic Jihad ee reer Falastiin.

Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa in muddo dheer ah ku eedeynayey dowladda Iiraan inay maal galiso argagaxisada ka jirta Bariga Dhexe iyo meelo kalaba.

Iiraan waxey dhaqaale iyo tababar siisaa dhaq dhaqaaqa xoogga ee Xisbullaah ee Lubnaan, iyo kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas, iyo Jihaad Islaamiga ka hawlgala Marinka Gaza.

Iiraan ayaa beenisay iney taageerto argagaxisada, waxeyna sheegtay in ururada ay taageerto ay yihiin kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka kula jira gardarrada Israa’iil iyo Mareykanka.

Barnaamijka Niyukliyeerka ee Iiraan, ayaa wuxuu xiisad ka dhex aloosay dowladdani iyo dalalka Reer Galbeedka, oo uu Mareykanku ku jiro.

Waxey jabisay Iiraan xadkii loo asteeyey inaaney ka gudbin, kaasoo ku saleysnaa heshiis la gaarey sanadkii 2015-kii, iyadoo la jabiyey heshiiskan sanadkii 2018-kii, xiligii maamulkii hore ee Donald Trump, oo dib usoo celiyey cuna qabateyn curyaamisay dhaqaalaha Iiraan.

Maamulka Tehran, ayaa tilmaamey in barnaamijka Niyukliyeerka uu waligiis ahaa mid nabdoon, balse quwadaha Reer Galbeedka iyo hey’adda caalamiga ah ee ilaalisa Niyukliyeerka, ay tilmaameen inaysan ku qanacsaneyn hab dhaqanka Iiraan.

Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa marar badan ku cel celiyey in aaney marnaba ogolaan doonin in Iiraan ay hesho hubka Niyukliyeerka, haddana labada xulafo ayaa ku kala duwan sida hawshaas loo qabanayo.

Biden, ayaa waxa uu doonayaa inuu dib usoo nooleeyo heshiiskii sanadkii 2015-kii, isaga oo lasoo baxay shuruudo adag, inkasta oo wada hadalo bilo qaatay oo la doonayey in lagu soo celiyo heshiiska ay hakad galeen

Ad
Previous articleRuushka oo Duqeyn lagu hoobtay ka geystay Magaalo ka fog furumaha Dagaalka (Sawirro)
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya oo Goor dhaw u duulay Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here