Home Wararka Somaliya Somaliland Mareykanka oo farriin adag u diray dhinacyada ku dagaallamaya Laascaanood

Mareykanka oo farriin adag u diray dhinacyada ku dagaallamaya Laascaanood

0

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku boorisay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood inay dejiyaan rabshadaha, ixtiraamaan xabbad-joojinta ayna oggolaadaan in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadkii halkaas ku barakacay, dibna loo bilaabo wada-hadal wax ku ool ah oo lagu xallinayo xiisaadda.

Bayaan uu soo saaray shalay Mareykanka ayuu uga digay in “Rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurtagalnimada kooxaha xagjirka ah si ay u abuuraan xasillooni darro ballaaran oo ay uga sii daraan dhibaatooyinka bini’aadanimo ee socda”.

Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Laascaanood si xal looga gaaro xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxaanay ku boorisay “maleeshiyo beeleedyada ku sugan Laascaanood in ay ka waantoobaan weerarrada ay ku hayaan ciidamada Somaliland.”

29-kii Maarso, safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa la hadlay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna ku booriyay inuu kala dhex galo ciidamadiisa iyo maleeshiyo beeleedka Laascaanood.

Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo beeleedyo ayaa tan iyo bishii December ka dhacayay magaalada Laascaanood. In ka badan 200 oo qof ayaa lagu dilay tobanaan kun oo kalena waa ay ku barakaceen rabshadaha.

Ad
Previous articleRaila odinga oo Sheegay inuu Ka Badbaaday Iskuday Dil
Next articleNinkii Sababta u ahaa geerida Xildhibaan Kulow Macalim Xasan oo Maxkamad lasoo taagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here