Home Wararka Maanta Mareykanka oo Diyaariyay Ciidamo uu u dirayo magaalada Khartuum oo Dagaalo...

Mareykanka oo Diyaariyay Ciidamo uu u dirayo magaalada Khartuum oo Dagaalo Qaraar ka Socdaan

0

Magaalada Khartuum waxaa ka socda dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeya labada ciidan ee ugu awooda badan dalkaasi , dagaalka ayaana dhaliyay khasaaro badan oo soo gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah.

Dowladda Mareykanka ayaa diyaarineysa ciidamo gaar ah ay u dirto dalka Sudan gaar ahaan magaalada Khartuum, wasaaradda difaaca Mareykanka ayaana heegan galisay qaar kamid ah ciidankeeda jooga dalka Jabuuti.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in ciidankan Mareykanka heegan galiyeen la qorsheenayo in loo diro Khartuum si ay u ilaaliyaan  xarumaha muhiimka ah sida Safaaradda Mareykanka iyo kuwa Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay in ciidamo u dirto Khartuum kaddib markii la weeraray diblumaasiyiin u dhashay Dalkiisa, Safiirka Midowga Yurub ee Suudaan, xarumaha Hay’adaha Qaramada Midoobay & goobo kale oo ku yaalla Magaalada Khartuum.

Ad
Previous article150 Maxbuus oo Maanta laga sii Daayay Xabsi ku Yaala Xamar(Sawiro)
Next articleBajaajleyda Muqdisho oo diidan go’aankii ka soo baxay Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here