Home Wararka Maanta Bajaajleyda Muqdisho oo diidan go’aankii ka soo baxay Dowlada Soomaaliya

Bajaajleyda Muqdisho oo diidan go’aankii ka soo baxay Dowlada Soomaaliya

0

Qaar ka mid ah darawalada bajaajka ee magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid go’aankii ka soo baxay Xukuumada Somalia ee sheegayey in mootooyinka bajaajka loo qeybiyo A iyo B si loo yareeyo Jaamka faraha badan ee ka jira jidadka magaalada.

Darawala Bajaajka ayaa sheegay in dibadbax ay dhigayaan iyagoo sheegay in go’aankaas uu halis ku yahay noloshooda iyo mida qoysaskooda.

Waxay xuseen in haddii la dhaqan geliyo go’aanka dowlada ay ka dhigan tahay iney shaqeyn doonaan bishii 15 maalin oo kaliya, aysana waxba iska bedellin canshuurta bilaha ah ee ay qaado dowlada, sidoo kalena ay u dheer tahay lacago sharci daro ah oo ay mararka qaarkood siiyaan ciidamada DF.

“Ujeedada dowladu waa in la yareeyo jaamka ka jira jidadka, hase ahaatee waa in laga fekeraa halista uu go’aankan u leeyahay nolosha qoysaska Maalin walba biilo Mooto bajaajka, kuwaasoo aan heli doonin nolol maalmeed joogto ah” ayuu yiri mid ka mid ah bajaajleyda Muqdisho oo la hadlay warbaahinta.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in 24ka bishan la bilaabayo dhaqan gelinta go’aanka xukuumada ee sheegaya in mootooyinka bajaajka loo qeybiyo A iyo B si loo yareeyo saxmada magaalada.

Ad
Previous articleMareykanka oo Diyaariyay Ciidamo uu u dirayo magaalada Khartuum oo Dagaalo Qaraar ka Socdaan
Next articleAlshabaab oo lacago Farabadan ku Bixinaaya in Xilka laga Qaado Gudoomiye Cali Jayte(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here