Home Wararka Maanta Allaha unaxariistee Majaajaliiste Ajakis oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha unaxariistee Majaajaliiste Ajakis oo Muqdisho ku geeriyooday

0

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Magalada Muqdisho ku geeriyooday Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Cabdi muriidi dheere oo loo yaqaanay ( Ajakis), kaas oo malmihii la soo dhaafay ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho.

Maamulka Tv-ga Universal Xaruntiisa Magalada Muqdisho oo uu kamid ahaa howl-wadeenadiisa aya xaqiijiyay geerida Ajakis, kas oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Isbitaal ku yaal Magaalada Muqdisho.

Cabdi muriidi dheere ( Ajakis) ayaa, isaga oo ku sugan Hooygiisa waxaa todobaadkii hore kusoo booday xanuun dhanka Sambabada ah, kaas oo ugu dambeyn uu Maanta u geeriyooday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin magac ku leh dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Cabdi muriidi dheere oo loo yaqaanay ( Ajakis).

Ad
Previous articleMaraakiib dagaal oo ku Soo Wajahan Xeebaha Soomaaliya
Next articleXog ku saabsan Wafdi ka socda uganad oo Muqdisho Soo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here