Home Wararka Maanta Magacyada Maxabiisti ka Fakaday Xabsiga Gaalkacyo oo la Shaaciyay lacagana La Dul...

Magacyada Maxabiisti ka Fakaday Xabsiga Gaalkacyo oo la Shaaciyay lacagana La Dul dhigay

0

Booliska Puntland ee Gaalkacyo ayaa shaaciyey in mid ka mid ahaa raggaasi ay toogasho ku dileen, saddex ka mid ahna ay gacanta ku dhigeen, halka saddex kalena ay baxsadeen.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa shaaca ka qaaday magacyada maxaabiista u xirnaa Al-Shabaabnimada ee fakaday, kuwaas oo kala ah:-

1-Xasan Isaaq Maxamed, 2-Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo 3-Liban Ciise Cali (Madax-kariye), kuwaas oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen kooxihii dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo.

Raggaan saddexda ah oo ay horey dil ugu xukuntay maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale midkiiba la dul-dhigay lacag dhan $2,000 oo la siinayo ciddii soo sheegta, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxay taliska booliska.

 

 

 

Ad
Previous articleArrinta Mo Farah oo waji cusub yeelatay iyo booliska oo baaritaan billaabay
Next articleCiidamo Cusub oo Maantay Laga Soo Dajiyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here