Home Wararka Maanta Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

0

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday masuulkii u horeeyay oo isku diiwaan geliya si u qaato kaarka cod bixiyeyaasha, waxaana degmadii ugu horeysay oo lagu daahfuro is diiwaan galinta noqotay degmada Shangaani.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka magaalada Muqdisho iney is diiwaan galiyaan oo ay qaataan kaararka cod bixiyaasha.

“56 sano kadib waxaan noqday qofkii ugu horeeyay ee is diiwaan galiya oo qaatada shahaadada, waxaana ii dhiman kaarka oo isna aan qaadan doono, qol walbow is diiwaan gali si aad u noqoto qof cod leh oo soo dooran kara qofka uu doonayo, hadii aadan is diiwan galin wax cod ah ma yeelan doontid mana kuu suurtagaleyso inaad qofka rabto u codeyso, waxana soo baxaya qof aadan dooneyn ee hadaba is diiwaan galiya” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

Is diiwaan galinta maanta ka bilaabatay degmada Shangaani ayaa waxaa isugu soo baxay dad weyne aad u farabadan oo isaga kala yimid xaafadaha degmadaas, kuwaas oo safaf dhaadheer u galay si ay isku diiwaan galiyaan.

Degmooyinka kale ee gobalka Banaadir ayaa sidoo kale lagu wadaa in maalmaha soo socda martigelin doonaan is diiwaangalinta oo soconaysa ilaa laga gaaro maalinta cod bixinta doorashada, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada qaranka.

Si kastaba ha ahaatee sida ku cad xeerarka doorashada waxaa la qorsheynayaa iney doorashada golayaasha deegaanka ka qabsoomaan Banaadir, SSC Khaatumo, Hirshabeelle, Koofurgalbeed iyo Galmudug, waxaana xusid mudan in maamulka Jubbaland oo billowgii heshiisyadan qeyb ka ahaa uu goor dambe ka baxay heshiisyadan, kadib khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashada iyo hanaankeeda.

Ugu dambeyntii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan ku celcelisay iney ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ay kasoo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWarar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur
Next articleRaisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland