Home Wararka Caalamka Magaalada Malmö Shan Dhalinyaro ah oo lagu soo oogay kufsi wadareed ay...

Magaalada Malmö Shan Dhalinyaro ah oo lagu soo oogay kufsi wadareed ay u geesteen Haweeney

0

Xeer ilaalinta guud ayaa maanta Dambi ku soo oogtay Shan dhalinyaro ah kuwaasi oo Kufdi Wadareed u geestay Haweeney.

Sida uu ku waramayo Shanta Dhalinyrada midka ugu yar ayaa da’diisa lagu sheegay 15 sano jir iyadoo shantooda ay ku jiraan gacanta Booliska.

Shanka Eedeysane ayaa Haweeneyda u gacan qaaday kadibna xir xiray ka hor inta aysan kufsan sida ku cad warbixinta iyadoo falka uu dhacay 22 October xili Habeen ah.

Xiligaasi oo Booliska ay roondo ku marayeen goobta ayay la kulmeen dhacdada iyadoo si fudud ku xir xiray shanta eedeysan.

Maxkamada horteeda afar kamid ah eedesanayaasha ayaa diiday in falka ay ku lugleeyihiin halka mid kamid ah uu qirtay lakin waxana uu meesha ka saaray kufsiga.

Somaliska Malmö

Xigasho www.sydsvenskan.se

Ad
Previous articleWeerar loo adeegsaday gaari qaraxyo laga soo buuxiyey oo ka dhacay Dalka Turkiga (Sawirro)
Next articleIlhaan Cumar Oo Marykanka Ka Dalbatay in La Cafiyo Askari kashifay sir la xiriirta Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here