Home Wararka Maanta Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo maalmihii la so dhaafay safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Maanta waxa uu dib ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah Xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale, waxuuna ka yimid Dalka imaaraadka Carabta.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ayaa tegay Hoyga uu dhawaan ka degay Aaga Mirinaayada, halkaas oo uu kulamo kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan Mucaaradka.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka hadlo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo rabshadii ka dhacay muqdisho ee sababay inay barakacaan Boqolaal qoys.

Ad
Previous articleXiriir Nuucee ah ayaa ka dhaxeeya hada Raisal Wasaare Rooble iyo Mudane Farmaajo
Next articleSixitaan iyo Raali galin Fanaanada Luul Jaylaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here