Madaxweynihii Hore ee Dalka Xasan sheikh Maxamuud oo war ka soo saaray Colaada Gurceel

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan sheikh maxamuud ayaa si kulul uga hadlay Dagaalka ka soconaya Degmada Gurceel ee Gobalka Galgaduud.
Baaq ayuu u diray Madaxweyne Xasan sheikh dhinacyada dagaalamaya, waxuuna yiri “
BAAQ NABADEED
Xaaladda Galmudug
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.
Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.
Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato.
Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*