Home Wararka Maanta Madaxweyne Zelensky oo si kulul uga hadlay falal argagax leh oo ay...

Madaxweyne Zelensky oo si kulul uga hadlay falal argagax leh oo ay ku kaceen ciidanka Ruushka

0

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa si kulul u cambaareeyey ciidamada Ruushka ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyey muuqaal muujinaya askari reer Ukraine ah oo qoorta laga jarayo.

Video-ga ayaa la soo dhigay bar Ruushka taageerta, iyadoo Muuqaal kale oo soo baxay toddobaadkan uu muujiyey labo askari oo Ukraine ah oo la gowracay gadaashoodana uu qosol ka baxayo.

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in cidna aanay dafiri Karin arrintan, ayna tahay wax aan la illoobi Karin wuxuuna ballanqaaday in kuwaas aan la cafin doonin.

Zelensky Ukraine ayaa sheegay in muuqalka uu u muujiyey caalamka ficilada bini aadminimada ka baxsan ee ciidamaada Ruushka loo diyaariyey inay ka sameeyaan dalkiisa.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale Oo Amarro Culus Dul Dhigay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir
Next articleCudur kale halis ah oo laga helay Shiinaha iyo qofkii u horeeyey oo u dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here