Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale Oo Amarro Culus Dul Dhigay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Gudoomiye Madaale Oo Amarro Culus Dul Dhigay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa awaamir culus oo la xiriirta sugida amniga caasinadda dul dhigay gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay xalay xarunta degmada Hodan ayaa sheegay in la mamnuucay in hubka culus lagu dhex qaato gobolka Banaadir, isagoo sheegay in cidii lagu arko hub culus dowladda ay talaabo ka qaadi doonto.

”Hub culus magaaladan laguma dhex qaadan karo amar waa qaadasho Gudoomiyeyaasha Degmooyinka haka digtoonaadaano” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Si kastaba, laamaha amaanka ee dowladda oo fulinaya amarkii madaxweynaha ayaa bartamaha magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgalo hub uruurin ah, iyadoo hubka culus sida Dhashiikaha, Sabanka iyo qoriga Dabajeexa aan laga ogoleyn in magaalada lagu dhex wato.

Ad
Previous articleAxmed Macalin Cabdi iyo Cali Axmed Nuur oo Muqdisho Kufsi Ka Gaystay oo Lasoo Qabtay
Next articleMadaxweyne Zelensky oo si kulul uga hadlay falal argagax leh oo ay ku kaceen ciidanka Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here