Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan shiikh oo Xil Sare u Magacaabay Cabdiraxmaan C.shakuur

Madaxweyne Xasan shiikh oo Xil Sare u Magacaabay Cabdiraxmaan C.shakuur

0

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa xil u magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa siyaasigan oo in muddo ah mucaarad soo ahaa u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani’aadamninada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cabdiraxmaan uu si mutadawacnimo ah uu qaban doono shaqadaan, maadaama uu yahay xildhibaan qaran.

Wuxuu sidoo kale Eebe uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday ee ah u gar gaarida dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ahaa musharixiintii mucaaradka ee ka qayb-galay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan.

Magacaabistiisa ayaa kusoo beegmeysa, xilli Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan oo ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ayaa horey u magacaabay la-taliyihiisa amniga qaranka, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa.

 

 

Ad
Previous articleshaqaale u Badnaa Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo maantay loo Diiday inay Galaan Madaxtooyada Soomaaliya
Next articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada Shirkadaha Ku Guulaystay Sanadkaan Xajka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here