Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamo Kasoo Horjeeda Laftagreen oo Durbaba La Sameeyey Amar Culusna soo Saray

Ciidamo Kasoo Horjeeda Laftagreen oo Durbaba La Sameeyey Amar Culusna soo Saray

0

Ciidan ay sameysteen dadka ku nool degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo ka soo hor jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray amarro adag oo salka ku haya arrimaha ammaanka, iyagoo degmadaas ka mamnuucay siyaasiyiin dhowr ah.

Ciidanka oo ariintaan ku socodsiiyey shirkadaha diyaaradaha ayaa soo bandhigay magacyada rag ay sheegeen in amni darro ay ka hurinayaan Ceelbarde, kuwaas oo aysan gey karin, kana qaadi karin degmada.

Afhayeenka ciidankaas oo warbaahinta u akhriyey bayaankii ay soo saareen ayaa yiri, “Shirkadaha diyaaradaha waxaan ka rabnaa inay dhaqan geliyaan xayiraada aan deegaanka ka saarnay xubnaha kala ah: 1-Axmed Sheekh Maxamed (Mashruuc) 2- Axmed Dhuubow Keynaan (Axmed Tabliiq) 3-Khadar Mahad Dhicis 4-Cabdiraxmaan Cumar Boorow 5-Xabe Cismaan Indhaqiiq, 6-Abshir Cabdulqaadir Sheekh Maxamed, 7-Cabdinuur Maxamed Xasan (Dhegaduleel) 8-Iyo Cabdi Gaarane.

Waxay sheegeen in amarada ragaan looga mamnuucay deegaanka ay salka ku hayaa sugidda ammaanka, iyagoo sideedaas nin ku eedeeyey hurinta colaad ka jirta deegaanka.

“Ciidanka deegaanka oo bulshada Ceelbarde ay dhisatay ayaa soo ogaaday oo amar ka soo saaray dadkii ka dambeeyey gacan ka hadal ka dhacay degmada Ceelbarde oo dad ku waxyeeloobeen, kicin iyo isku dir ayey degmada ka wadeen raggaan,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidankaas.

Mid ka mid ah Odayaasha degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Cabdicasiis Laftagareen ay ka tirsanayaan cadaalad darro u badan doorashadii xildhibaanada, gaar ahaan kursi xildhibaan oo laga wareejiyey degmadaas

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay booqashadii Xassan Shiikh ee ciidankii ku maqnaa ErItreya
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Markale Maantay Booqanaaya Ciidamo si Gaar ah loogu Tababaray Eriteriya Waa Kuwee?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here