Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin Al- shabaab.

Madaxweynuhu ayaa u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeystay talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobanida dalkeenna” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay
Next articleDagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo