Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.

 

 

Ad
Previous articleDEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Muqdisho
Next articleDiyaaradaha Turkiga oo ku biiray Dagaalka Lagu Baacsanaayo Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here