Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulankii ugu Horeeyey La Qaatay Farmaajo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulankii ugu Horeeyey La Qaatay Farmaajo

0

Goordhaweyd waxa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ku soo dhamaaday kulan ay yeesheen Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xafiiska baneynaya Maxamed Cabdillahi Farmaajo.

Sida illo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ay noo sheegeen labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay sida ugu suurta galsan ay u dhici lahayd xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha, iyadoo la isla gartay in si degdeg ah loo magacaabo Guddi arintaasi ka shaqeeya, oo uu hoggaamin doono Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cabdillahi Ciise.

Madaxweynaha cusub oo hadda degan hudheel ku dhaw garoonka Aden Cabdulle ayaa la filayaa in todobaadka dambe uu u guuro Villa Soomaaliya, halkaas oo lagu qaban doono munaasabad uu xilka si rasmi ah ugala wareegi doono Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Farmaajo kaga Guulaystay Tartan Dhexmaray habeeenkii axada. Farmaajo ayaana xilka Ku Fadhiyay Mudo Kabadan Shan sano, Asbuuca kadib ayuuna Banayn Doona Villa Soomaaliya.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Ka Hadlay Dib u Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud
Next articleDowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo Saacado Badan kadib Ka Hadlay Doorashadii Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here