Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku Wajahan Magalada Kismaayo+Sababta

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku Wajahan Magalada Kismaayo+Sababta

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa si weyn looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda, waxaana la adkeeyay ammaanka goobaha muhuumka ah ee magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u tagaya magaalada Kismaayo xal u helida khilaafka ka jira maamulka Jubbaland gaar ahaan arrimta gobolka Gedo uu ka jiro maamul diidan Jubbaland.

Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah oo xal loogu helayo khilaafka gobolka Gedo la qaadan doona madaxweyne Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa, waxa sidoo kale kulamada looga hadli doonaa howlgalada ka dhanka ah Al Shabaabka jooga Jubbaland.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Maantay Dowlada Soomaaliya ku wareejiyay Hub ay Alshabaab kula Dagaalamaan
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Ku Dhawaad 10 qof oo Alshabaab Xalay Ku Dileen Muqdisho Xilli Amniga Caasimadu Faraha Kasii baxaaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here