Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raysulwasaare Rooble oo Kulan Qaatay kadib Safarkii imaaraadka...

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raysulwasaare Rooble oo Kulan Qaatay kadib Safarkii imaaraadka carabta(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay.

Rooble ayaa ugu warbixiyay Madaxweynaha  socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta.

Intii uu joogay Imaaraadka, waxa uu magaalada Abu Dhabi kula kulmay Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay  ee hoggaaminta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa Shiikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud

Ad
Previous articleRooble oo shaaciyay wixii uu kala hadlay dowladda Imaaraatka Carabta
Next articleXasan Shiikh oo Magacaabay Agaasime Ku Xigeenka Madaxtooyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here