Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheikh oo xil cusub magacaabay

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xil cusub magacaabay

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoashada Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa u magacaabay Ergey Gaar ah oo u qaabilsan arrimahaas Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ergayga Gaarka ah looga fadhiyo sidii uu uga miro-dhalin lahaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso ololaha ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), si dadka Soomaaliyeed ay u soo bandhigaan fursadaha ganacsi, dhaqaale, bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin guud ahaan Gobolka.
Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Wasiir Cabdisalaam oo horay u soo hoggaamiyey hay’addo kala duwan oo waddani iyo kuwa caalami ah ayaa soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Ad
Previous articleMucaaradka Somaliland oo mar kale war ka soo saaray dibadbaxyadii ay ku baaqeen
Next articleDhageyso Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay sababta loo dhisi la’yahay jowhar iyo Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here