Madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyay oo Codsi ujeediyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa kulan arrimo badan looga hadlay la yeeshay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulanka labada masuul dhax maray ayaa inta badan looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee muddooyinkii dambe xumaaday iyo sidii labada dal mar kale isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga iyo ganacsia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday in uu gacan ka siiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna ka codsaday hub iyo saanad ciidan oo lagula dagaalamo Al Shabaab.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo kamid ah wafdiga la socda Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweynaha ka codsaday Abiy Axmed hub iyo saanad ciidan oo lagula dagaalamo Al Shabaab.