Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeeray Madaxda Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxanuud ayaa Shirka madasha wadatashiga Qaran ugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaasoo todobaadkan la filayo inuu ka qabsoono magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa tilmaamay in shirkan oo xili xasaasi ah kusoo aaday looga hadli doono arrimaha amaanka, sii wadista dagaalka Shabaab, wax ka qabashada abaarta iyo xal u helida xiisadaha ka taagan gobolada Baay iyo Gedo oo ay maamulaan Koofur Galbeed iyo Jubaland.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Hirshabelle uu isna caasimadda ka soo dagay Sabtidii shalay, si ay goob joog uga noqdaan shirka.

 

Lafta-gareen, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa iyana ilaa talaadada laga sugayaa magaalada, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuu shirka furmo ugu danbeyn maalinimada Khamiista ee todobaadkan.

Dooda adag oo ay ugu weyn tahay qadiyada dagaalkii Jimcihii ee Baydhabo ayaa shirka hareyn doonna, iyadoo madaxweynaha Koofur Galbeed uu taageero ka heli doono mas’uuliyiin uu kamid yahay Siciid C/llaahi Deni madaxweynaha maamulka Puntland.

Ad
Previous articleCiidamada Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag loo haysto laba kiis oo xasaasi ah
Next articleXildhibaanada Koonfur Galbeed oo dalab lama filaan ah ka gudbiyay xiisadda taagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here