Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan muhiim ah laqaatay Madaxweyne Ruto (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan muhiim ah laqaatay Madaxweyne Ruto (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto munaasabadda caleemo-saarka iyo la wareegidda xilka, isagoo la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay heshiis iyo iskaashi buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo guud ahaan wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ajiibay ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarkiisa, waxa uuna adkeeyey xiriirka soo jireenka ah ka dhexeeya labada shacab iyo dowladeed ee dariska ah.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay in la sii amba-qaado heshiisyada miro dhalka ah ee horey loo gaaray, gaar ahaan fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada, kuwaas oo ka mid ah caqabadaha wadajirka u curyaamiyey kobaca iyo horumarka dalalka Gobolka

 

Ad
Previous articleGuddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilka ugala wareegay ballan-qaad culusna u sameeyey shacabka Muqdisho
Next articleMa Socon Doonaa muddo korarsiga Qoor Qoor uu Shalay Samaystay(Xog)?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here