Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Caleemo saarka William Ruto (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Caleemo saarka William Ruto (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nayroobi kaga qeyb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta Gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah wafuud heer Caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabaddan wafdi ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Gamacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya oo faahfaahin ka bixiyay labis xumadiisa.
Next articleWasiiradda Maaliyadda DF iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo heshiis gaaray 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here