Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xil Culus u magacaabay Cabdikariim Xuseen...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xil Culus u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabaan walaalaheenna ku nool Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Mudane Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo qaadanayaa doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada.

Ad
Previous articleDowlada oo Gargaar Gaarsiiyay Dad ku Dhaqan Magaalo Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Qanciyay Tabashadii Beesha Xawaadle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here